Wednesday, December 28, 2016

HADYAD QOXOOTI U DIRAYEEN ANGELA MARKEL OO BOOLISKA LOOGU YEEDHAY

photo Dpa

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Naunheim gobolka  Rhineland--Pfalz  inan iyo aabihii oo qoxootiyi ay dooneen inay hadyada u diraan  haweenayda hogaamisa wadankan ee Angela markel  hadayadaas oo ahayd wadane uu ku dhex jiro waji qof islamarkaana ay kasameeyeen loox kuna midabeeyeen calanka jarmalka iyo kan suuriya ,labadan nin ee is dhalay ayaa doonay hadyadan inay dhigaan boostadda iyagoo dhakadda kaga qoray cinwaanka ama halka ay dagantahay Angela markel ,balse nasiib daro haweenay joogtay goobta boosta ay rabeen inay ka diraan labadan nin ee qoxootiga ahi ayaa booliska wacaday iyadoo aad ula yaabtay boostan loo wado raysal wasaare angela markel islamarkaana ay dirayaan shakhsiyaada qoxootiyi ,waxaanay haweenadan ka shaqaynaysay goobta boosta laga diro ka shikaday in kartoonkan ay dirayaan ay ku jiraan waxayaabo qarxa oo lagu wax yeelaynaayo angela markel ,booliska ayaa islamarkiiba goobta soo gaadhay islamarkaana baadhid kusameeyey kartoonkan ay wateen labadan nin ee is dhalay boolisku waxay isticmaaleen aydda wax lagu baadho iyo qalab kale si ay u hubiyaan waxyaabaha ku jira kartoonka ama boosta loo waday raysalwasaare angela markel balse wxay ka heleen hadyad laga sameeyey loox islamarkaana ah wadne lagu midabeeye calanka jarmalka iyo ka suuriya ee ay isticmaalaan qoladda kacdoonka ka wadda suuriya ee kasoo horjeeda dawladda bashaar al asad ,ujeedada ay u sameeyeen wadanahan ama hadayadan nimankan qoxootiga ah ayaa ahayd inay anagela markel uga mahad celiyaan sidda ay ugu soo dhawysay wadankan kaliyaatana ay ahayd ujeedada hadyadani mahad celin loogu mahad celinaayo anagela markel kaalintay ka qaadatay soo dhawynta qoxootiga wadankan soo galay,ilaa hadana waxay nimankan qoxootiga ahi rabaan inay hadayadaas gaadhsiiyaan angela markel laakiin waxay saxaafadda u sheegeen inaanay garanayn habkay u gaadhsiin lahaayeen hadyadan .


hadayadda loo waday angela markel iyo kartoonka ay ku jirtay









No comments:

Post a Comment