|
booliska oo ku jira hawlgalka -----------------photo Dpa |
BERLIN-dambi baadhayaal ka tirsan ciidan booliska magaaladda berlin ayaa maanta [arbacadii] xabsiga u taxaabay nin 40 jir ah oo ku ganacsada berlin asal ahaana kasoo jeeda dalka waqooyiga afrika ee tuuniisiya ,xadhiga ninkan ayaa lala xidhiidhinayaa inuu caawiyey ninkii ka dambeey weererkii 19 kii bishan berlin dadka gaadhiga lagu jiidhsiiyey oo isna dhalsho ahaan kasoo jeeday wadankaas tuuniisiya ,ninkan boolisku saaka xidheen ayaa lamarkiisa laga helay telfoonka Amiri oo ahaa ninkii ka dambeeyey weerarkii berlin oo booliska talyaanigu toogteen, amiri telfoonkiisa gacanta iyo aqoonsigiisiina waxa laga helay gaadhigii uu weerarka ku gaystay magaaladda berlin .
booliska magaaladda berlin waxay sheegayaan inay heleen xog xaga isgaasiinta ah oo ku saabsan arintan lala xidhiidhinaya ninkan ay saaka qabteen boolisku,waxaanay boolisku baadhid ku sameeyeen laba goobood oo uu leeyahay 40jirkan reer tuuniisiya labadan goobood oo kala ah guriga uu daganaa iyo xarun ganacsi oo uu isagu leeyahay kuna yaala degamadda koonfurta berlin ee Tempelhof,sidda uu sheegayo xeer ilaaliyaha fadaraalka dalkan jarmalku mudane Peter Frank waxay baadhid ku wadaan in ninkani ka caawiyey amiri hawlgalkii weerarka berlin iyo baxsadkii uu amiri baxsaday markuu falka gaystay kadib .
No comments:
Post a Comment