Monday, December 26, 2016

DAWLADDA JARMALKA OO SHEEGTAY INAY BASAASI DOONTO WHTSAPP IYO SHABAKADAHA LAGA WADA XIDHIIDHO SABABO LA XIDHIIDHA AMAANKA AWGEED

photo Dpa
Berlin sidda ay sheegayso wakaaladda wararka dalkani jarmalka  ,waxa dawladda loo ogolaaday inay basaasi karato islamarkaana akhriyi karaan fariimaha layskugu diro  barnaamijka whatsapp iyo waxayaabaha kale ee fariinsidayaasha ah [messengers]  oo ay badanka dadku u isticmaalaan inay isku waraystaan  ,telfoonadda ayaa lagu wadaa dhawaan in si buuxda loo dhagaysan doono  iyadoo ogolaansho laga haysto xeer ilaalinta wadankan ,arintan waxa si wada jira u sexeexay wasiirka cadaaladda mudane  Heiko Maas iyo wasiirka arimaha gudaha  mudane Thomas de Maizière oo sheegay in si qasab baaarlamaanka lagu horgayn doono arintan ku saabsan in la basaaso telfoonadda- iyo dhamaan waxayaabaha kale ee lagu wada xidhiidho,,arintan ayaa laba wasiir hore uga wada xaajoodeen 14 bishan intaanu dhicinba weerarkii berlin taasoo ay wasiiradu saxaafadda u sheegeen inay dawladu doonayso inay isticmaasho barnaamij ay ku basaasayso shabakadaha dadwaynuhu ka wadda xidhiidhaan ,ilaa hadda dawladdu waxay waxay khaatiyaan ka taagantahay inay si fiican macluumaad uga hesho waxayaabaha internetka ah ee ay ku wada xidhiidhaan dadka argagixisadda loga shakisanyahay waayo waxay isticmaalaan barnaamij marka aad fariinta dirto u badaalaya lambar intuu hawadda ku jiro marka uu gaadho qofka aad u dirtayna ay usoo baxayso fariintii oo caadiyi taasoo keentay inaanu barnaamijka wax lagu basaasaa ogaan fariimahan waxay yihiin ,balse hadda waxay dawladda jarmalku heshay barnaamij cusub oo wax lagu basaaso kaasoo magaciisa la yidhaahdo ("Trojans") fududayna doona sidii loo ogaan lahaa macluumaadka ay is waydaarsanayaan dadka looga shakisanyahay argagixisadda wadankan jarmalka ,barnaamijkan Trojans waxa laga cabsi qabaa inay dadka qaar intuu u gacan galo ay u isticmaalaan waxayaabo sharci daro ah  oo ay dadka ku basaasaan  si kastaba ha ahaatee arintan in la basaaso telfoonadda iyo aaladaha laga wada xidhiidho ayaa imanaysa markii wadankan a ay soo galeen galeen qoxooti tiro badan sandkii2015kii  halkaasoo ay kusoo dhex dhuunteen qoxootigaas dad badan oo argagixiso ah kuwaasoo halis ku ah shacabka iyo naba galyadda wadankan .

  by -Muuse Duco

source DPA

No comments:

Post a Comment