Tuesday, December 6, 2016

HADAL CUSUB OO KASOO YEEDHAY WASIIRKII HORE UGU BAAQAY IN QOXOOTIGA LA MASAAFURIYO

photo Dpa --qoxooti laga masaafurinyo magaaladda madaarka Leipzig

wasiirka arimaha gudaha gobolkaBaden-Württemberg  mr Thomas Strobl oo hore u sheegay in la masaafuriyo dadka diidmadda la siiyey  xataa hadii ay xanuunsanyihiin ayaa maalintii shalay difaacay qorshaihiisaas kadib markii uu xisbigiisa CDU iyo xisbiyo kaleba kala kulmay cambaarayn xoog ah ,hadaba malintii shalay ee isniintii waraysi uu siiyey wargayska die welt  wuxuuna yidhi wasiirku **qof kasta oonay macquul ahayn ama aan ku haboonayn in la masaafuriyo aan la masaafurin doonin,laakiin waa inaynu daacad ka noqonaa arinkan qofku haduu hore u awooday inuu badda safar kaga soo talaabo ama uu lug kusoo maray wadamadda bariga yurub waa la celin doonaa isagoo waliba lagu celinaayo diyaarad dhawr saacadooduun ah**hadalka wasiirka oo ka dhigan  qof awooday inuu safarka silica ah soo maro sidaabaanu u awoodayn inuu diyaarad ku noqdo ama aanu u xamili karin safarka diyaaradda ee wadankiisii loogu celinaayo.
wasiirku wuxuu ku adkaystay waraysigiisan shalay inuu wali taageersanyahayn qorshihiisii kana soo horjeedo habkii raysal wasaare angela markel albaabadda ugu furtay qoxootiga tiradda badan balse  hadaladiisa waragaysiga isniintii waxa ka mid ahaaa **wxaanu nahay dad qalbi furan una qalbi furan kuwa u baahan in la xanmaaneeyo dhinac istaagayana cidda u baahan ilaalin la ilaaliyo balse ma aqbalayno in dad soo galayti ahi khiyaameeyaan ama xatooyo ku sameeyaan qaabka magangalyadayadda wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi waan fahmi karaa  haday dadku doonayaan inay nagula joogaan arin dhaqaale balse xal uma noqon doonto arinta magangalyaddu ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray mr srobl.**
si kastaba ha ahaatee wasiir goboleedkan ayaa todobaadadii ina dhaafay afka ula kala furtay inuu ku celceliyo masaafurinta qoxootiga magangalyadooda la diiday balse uu la kulmay dhaleecayn badan taasoo la barbar dhigay fkirkiisa xisbiga garabka fog ee midigta dalkani ee A.F.D

No comments:

Post a Comment