Dortmund-magaaladda Dortmund ayaa galabata fiidkii waxa ka dhacday arin la
yaable taasoo ay sameeyeen naasiiyiinta cusub ee cadaysta qoxooti
nacaybka nimankan ayaa koray minaaradda kiniisadda iyagoo kasoo
laalaadiyey qoraalo ay dadka soo galaytiga ah kaga soo horjeedaan
islmarkaana ku qaylinaayey hadalo muhaajiriin nacayb ah xiligaas oo uu
meesha ka furnaa suuqa ku saabsan kirismaska oo ay dadku ku badnaayeen
waxaanay u isticmaalayeen hadalkooda mikirifoono waxayna shidayeen
waxyaabaha rash taasoo baraha bulshadda caawa aad uga muuqatay, madaxdda
kiniisadan ayaa aad u cambaareeyey falkan iyagoo arintan naqdiyey
sheegayna inaanu boos uga banaanayn cunsuriyadda halkan kiinisadda, Ulf
Schlüter oo ah mid kamidda madaxdda kiniisadan ayaa wakaaladda wararka
dalkan ee DPA usheegay inay aad uga xunyihiin in kiniisadda loo
isticmaalo borobogaando ku salaysan ujeedooyinka garabka midigta fog ee
xagjirka ah,booliska magaaladda Dortmunt ayaa xoog u isticmaalay inay
joojiyaan rabshadan iygaoo gacan ka helaaya xooga shaqaalaha
dabdamiska magaaladaas ,waxa dhulka taagnayd koox kale oo kamidda kooxda
minaaradda fuushan kuwaasoo salaamo u dhiibaayey islamarkaana
saacidayey cunsuriyiinta minaaradda kiniisadda xooga ku fuushay kuwaasoo
iyaga talaabo sharciya uu ka qaaday maamulka magaaladaasi ,8 kamidda
nimankan kiniisadda qasabka ku galay oo uu boolisku hore u yaqaanay ayaa
la xidhay inkastoo markii dambe lasii daayey kadib markii lala tashaday
xeer ilaaliyaha magaalasi Dortmund mid kamidda baadariyadda kiniisadda
oo magaciisa la yidhaahdo [ Friedrich
Stille ] ayaa saxaafadda u sheegay inay u taaganyihiin nabadgalayadda
iyo wada jirka.1970kii ilaa 80kii ayey koox ka tirsan naasiyiinta cusub
oo ku noolaa magaaladdan Dortmun fidiyeen fariimahooda si xubno badan u
helaan iyagoo isticmaalaya ka shaqalaystiinta warashadaha dadka bilaa
camlka ah
No comments:
Post a Comment