Hessen -mahaaladda hessen ee dalka jaramalka waxa maanta ka qabsoomay shirkii sanadlaha ahaaa ee uu qabsan jiray sanad walaba xisbiga C.D.U taasoo manata lagu doortay angela markel inay noqoto musharaxa u taagan xisbeegeeda inay u matasho raysal wasaare .
angela markel waxay ka hadhsay qodobo dhawra kuwaasoo ay kamid ahaayen *
angela markel waxay ka hadhsay qodobo dhawra kuwaasoo ay kamid ahaayen *
- xoojinta dhaqaalaha midowga yurub gaara ahaan wadanka ,inuu ingriisku ixtiraamo ganacsiga xorta maadama uu ka baxay midowga yurub .
- macmuunuucidda lamamnuuci doono niqaabka ,hadalkeeda maanta raysalwasaaruhu waxay kusoo qaadatay in la mamnuuci doono maradda loo yaqaano niqaabka taasoo ay dumarka muslimka ahi wajiga ku xidhaan islamarkaana xaalado xaga amaanka ah awgeed looga hor tagaayo.
- sidii caadada u ahayd angella markel waxay difaacaday qorsheheedii qoxootiga, raysalwasaare waxay sheegtay inay taageersantahay qorsheedii qoxootiga soo dhawynta qoxootiga kasoo cararay wadamaddad dagaaladdu naafeeyeen sidda dalka suuriya. hadalkeedana waxa kamid ahaa ** ma wadda joogi doonaan 900,000 ku ee soo galay wadankan sanadkii hore balse qadiyad walaba si gaara loola dhaqmi doono.
- angella markel waxa kale oo ay kussoo qaatay hadalkeeda maanta in la masaafurin doono dadka codsigooda magangalyo la diiday. angella markel waxay sheegtay inay waajihi doonto garabka fog oo ay sheegtay in sanadkan doorshadda soo soctaa ay tahay mid ka adag sanadihii hore ,si kastaba ha ahaatee angela markel waxaa sugaya waqti adag oo ay ku waajahayso xaalad siyaasadeed oo wadanku ku jiro iyo cabsi laga qabo in garabka fog ee xag jirka ahi soo galaan siyaasadda wadankan iyagoo kuraas badan helay doorsho goboladeedyadii sanadkan ka dhacday gobolo ka midda dalkan goboladaas oo ay ku jirto caasimadda wadankan ee berlin oo ay ka heleen cod aan laga filayn inay helaan taasoo abuurtay warwar wayn
No comments:
Post a Comment