|
photo Dpa |
Magaaladda kiel ee waqooyiga jarmalka ayaa nin kasoo jeeda qaaradda afrika uu dab qabadsiiyey xaaskiisa kadib markii in muddo ah ay ku kala noolaayeen kali ahaansho ama dawladdu kala kaxaysay ,ninkan iyo haweenadan uu gubay ayaa wadankan ku noolaa 20kii sano ee ugu damabaysay sidda aya sheegayaan dad goob joog ahaana haweenayda wuxuu dusha kaga daadiyey baatrool intaanu dabka qabadsiin islmarkiibana wuxuu ku shiday dabka halkaasoo haweenadu dariiqa oroday naf la caaridkii iyadoo gubanaysa wajigeedana uu ololku daboolay ,sidda ay sheegayaan dadka goob jooga ahaa haweenayda waxa laysku dayey in la bakhtiiyo laakiin may suuroobin inkastoo ninkan gabdha gubay laftiisa dabku qabsaday hadana wuxuu awooday inuu is bakhtiiyo ,sidda uu booliska magaaladaasi keil sheegayo arintu waxay u eegtahay inay mushkiladdu ka kacday xagga xidhiidhkooda lameene ahaan maadaama oo ay ku kala noolaayeen muddo kala bax ama kala noolaansho ,booliska magaaladda keil ayaa ninkan haweenaydiisa gubay gacanta kusoo dhigay islamarkaana xabsiga u taxaabay ,hadda arintan waxa waxa laga waydiinayaa qaabka ay u dhacday dadwaynihii arkaayey markuu ninkani haweenayda dabka qabadsiinaayey
No comments:
Post a Comment