Münster Angela merkel oo ku guda jirta ololaha doorashadda gobolka Nordrhein-Westfalen. ee qabsoomi doonta 14 bisha may ee inagu soo fod leh ayaa si kadis ah u weerar ugu qaaday xisbiyadda SPD iyo Grune kuna tilmaamtay inay ka gaabiyeen wax ka qabashadda xaaladaha amaanka gobolkaas iyo faqriga jira ,weerarkii sandkii 2016 lagu qaaday haweenkii u dabaal dagaayey curashadda sanadka cusbiyo iyo xaaladda ninkii Berlin dadka ku laayey sanadkii hore oo ka yimi gobolkan NRW weerarkan afka ah ee angela merkel ku qaaday xisbiyadan ayaa imanaaya maadaama oo labadan xisbi ay hogaamiyaan gobolkan Nordrhein-Westfalen. laguna magacaabo casaan/guduud akhdar [die rot-grüne ]oo macneheedu yahay akhdar oo ah xisbiga Grune halka casaan/,guduud yahay astaanta xisbiga SPD .
Angala Merkel oo ku guda jirta khudbadda ololaha maanta axadii ---- pho Dpa |
Angal Merkel waxay sheegatay in faqriga iyo baahida caruurta gobolkaas haystaa aanu jirin intaanay maamulka qaban labadan xisbi ee Grune iyo SPD ,Merkel waxay hadalkeeda ku xustay in aanay suaashu ahayn sidiishaqo la,aanta loo wanaajin lahaa ee ay muhiimudu tahay sidii dadka shaqo loogu heli lahaa islamarkaana dadka shaqadda loogu sugi lahaa .
xisbiga CDU ayaa wuxuu oloaha doorashada gobolkaas NRW ku baaqaya ama ku galayaa in uu muhiimadda saari doono qoysaska iyo caruurta halka labadan xisbi ee kale [SPDiyo Grune ] ay muhiimadda saarayaan shakhsiyadda oo qudha .
CDU waxa uu guul la taaban karo oo uu afka ciida u daray SPD iyo xisbiyadii kaleba ka soo hooyey doorashadii 26 bishii hore ka dhacday gobolka Saarland taasoo dardar iyo dhiiri galin siisay CDU iyo angela markeba kadib guuldarooyin iyo niyad jab kasoo gaadhay doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016 oo xisbiga garabka fogi kaga adkaaday waqooyiga dalkan .
hadaba doorasho goboleedka gobolka NRW oo dhici doonta 14may ee sanadkan ayey labadda hogaamiye ee xisbiyadda SPD iyo CDU waa Angala Merlkel iyo Marthin schulz- e ay ku jiraan olole aad heerkiisu u sareeyo oo midba doonayo inuu qorshahiisa siyaasadeed usoo bandhigo bulshadda gobolkaas ku nool gudoomiyaha SPD marthin schulz ayaa isagu maanta ololaha ka waday isla gobolkaas gudihiisa ,halka Angala markel lafteedu ay ku sugatahay magaaladda
Münster ee gobolkaasi NRW ,waxaynu sugnaaba waa maalinta 14 may ee sanadkan oo banaanka layskugu soo bixi doono si dadwaynuhu u doortaan xisbiga ay u arakaan inuu danohooda fulin karo
Münster ee gobolkaasi NRW ,waxaynu sugnaaba waa maalinta 14 may ee sanadkan oo banaanka layskugu soo bixi doono si dadwaynuhu u doortaan xisbiga ay u arakaan inuu danohooda fulin karo
By-Muuse Duco
DPA
T.SPEIGEL
No comments:
Post a Comment