Tuesday, December 20, 2016

XISBIGA GARABKA FOG MAXAY KA YIDHAAHDEEN WEERARKII XALAY EE BERLIN

gudoomiya xisbiga garabka fog EE AFD  Frauke Petry    photo Dpa
Belin-gudoomiyaha xisbiga AFD Frauke Petry   ee garabka fog ee midigta dalkani jaramalka ayaa sheegtay aad  u dhaliishay weerarka argagixisoee xalay ka dhacay magaaladda berlin  islamarkaana eed dusha uga tuurkay raysal wasaare angella markell ay ku sheegayso inay iyadu masuul ka tahay dhacdada xalay ka dhacday magaaladda berlin ee lagu dilay 12ka qof daraasiin kalena lagu dhaawacay  gudoomiyaha AFD waxay sheegtay inaanu wadanka jarmalku ahayn amaan angela markelna ay masuul ka tahay arintan balse aanay jeclayn inay dadka u sheegto laakiin iyadu ay dadka runta u sheegayso codsanaysana in xadadka wadankan la xidho.
Marcus Pretzell, oo isna ah xeerdajinta xisbigan AFD  ayaa baraha bulshadda aad ugu camabaareeyey dhacdadda xalay ka dhacday berlin islamarkaana ku xusay barihiisa bulshadda inay dadkani yihiin [maydka angela markel] oo uu uga jeedo dadkii angela markel dishay  arintan uu  qoray ninkan xeer dajinta u ah xisbigani AFD  ayaa keentay in xoog looga xanaaqo islmarkaana lagu cambaareeyo taasoo lagaga dalbaday inaanu arimihiisa siyaasadeed u isticmaalin dadka dhintay isagoo ka dhigaya arintan arin siyaasadeed oo uu olole siyaasadeed ku galaayo si uu dad ugu kasbado,
dhacdadan xalay ka dhacaday berlin ayaa noqon karta mid saamayn ku samaysa qoxootiga wadankan dagan taasoo loo aanaynayo in marar hore ay dhaceen dambiyo ay gaysteen dad wadankan kusoo galay magaca qoxooti dadwaynaha jarmalkuna aanay kala garanayn cidda argagixso ah iyo cidda wadankan u timi siday nabad ugu noolaan lahaayeen.

No comments:

Post a Comment