Dresden bishii 9laad dhamaadkeedii sanadkan waxa dhacaday in weerar banbaano lagu qaadaay masaajid ku yaala magaaladda Dresden ee bariga jarmalkaas banbaanadaas oo ahayd nooca gacanta lagusameeyo ayaa lala eegtay masaajidka xili ay imaamka iyo qoyskiisu ku jireen gudaha masjidka balse may jirin cid wax ku noqotay weerarka ,booliska magaaladda Dresden ayaa sheegaya in ay gacanta kusoo dhigeen 29 jir reer dresden ah kaasoo cadayn dii en eediisa DNA isaga ku saabsan laga helay walaxdii qaraxday ee masaajidka uu ku tuuray ,ninkan weerarka masaajidka loo haysto oo magaciisa la yidhaahdo Nino K ayaa ku jiray muuqaal uu sanadkii hore ee 2015 ka hadalaayo mudaharaad ay kooxda PAGIDA ee qoxxoti iyo islaam nacaybka ku caan baxaday ay ka dhigayeen magaaladaasi Dresden oo xarun u ah isagoo hadalkiisa ku qaylinaayey **waxaanu kasoo horjeedanaa dambiilayaasha ajaanibka ah iyo afrikaanka caajiska ah **
magaaladda Dresden waa magaalo ka tirsan goboladda bariga jarmalkaas taasoo ay dhisanyihiin ururo aad ugu talax tagay kasoo horjeedinkaa islaamka sidda ururka [PAGIDA] oo ah urur maalin kastoo isniina ka dhiga magaaladaas mudaharaad lagaga soo horjeedo qoxootiga iyo islaamka ,magaaladan dresden waxa hore u haysan jiray ruushka waqtigii ka damabaysay dagaalakii labaad ee dunidda taasoo ay ku dhaqmi jreen nidaamka shuuciyadda.
warbixin sanadle ah oo ku saabsan midowga jarmalka ayaa sheegtay kor usii kaca uu kor usii kacayo falalka isr nacaybka ahi inay dhaawici karto nabadda bariga jarmalka .
m.d
S.N.G
No comments:
Post a Comment