Booliska jaramalka ayaa bilaabay olole lagu ururinaayo ama gacanta
loogu dhigaayo kumanaankun oo ka midda nuqulo ka tirsan kitaabka
quraanka kariimka ah kaasoo ay dawladda jarmalku sheegtay in si khaldan
loo turjumay islamarkaana uu xamabaarsan yahay nacayb dadka la galinaayo
,sharciga uu kasoo hor jeedo ,sanadkan gudihiisa ayey ahayd markii
ciidamadda bilayka dalkani qaadeen olole lagu baadhayo goobo ku yaala 10
gobol oo dalkan ka midda kuwaasoo lagu tuhunsanaaa inay leeyihiin kooxo
xag jira oo kitaabkan hadda la mamnuucayna dadka u qaybin jiray,kooxdan
kitaabka qaybin jirtay ayaa la odhan jiray diinta saxda ah "True
Religion" kuwaasoo badanaa dadka kula kulmi jiriay meelaha dadku ka
atalaabaan marakay jidka go,ynayaan ,goobaha tareenadu ka baxaan iyo
suuqyadda dhexdooda magaaladda Pulheim ee baadiayaha gobolka koln waxa
bakhaar ku yaala laga helay 22,000 oo kitaabkan qura,aanka ah ,waxaana
lagu duubay caag ay ku qoranatahay ''akhri'',kitaabkan quraanka ah waxa
laga dhex saaray bulshadda kaasoo sidda wasiirka arimaha guduhuThomas de
Maiziere. sheegayo xamabaarsan fariimo nacayba ah iyo fikrado sharci
daro ah.
mamanuucitaanka la mamnuucay kitaabkan mushkiladdan xalin
mayso sidii si habsami ah looga takhalusi lahaa kumaanan kitaab oo ah
kitaabka quduuska ah ee islamaaku arintan waxay wax ka waydiisay dawlad
goboleedka North Rhine-Westphalia culimo iyo aqoonyahayno muslima
kuwaasoo qaarkood ku taliyeen in inta maryo lagu duubo lagu rido hog
dheer islamarkaana lagu aaso meel aanay cid dulmarmaraynin,halka qaar
kaloo culimada muslimka ahi sheegeen in la gubi karo ama biyo rogmanaaya
oo socda la raacin karo ,sidda uu sheegayo muuq baahiyaha WDR dawladda
jarmalku waxay door bidaysaa in kitaabkan lagusoo aaso saxaaraha si
looga takhaluso kitaabkan islamarkaana meel nadiifa qoraalkan la geeyo
dadka muslimka ahna qadarin loo tuso balse ilaa hadda aan go,aan la
qaadan islamarkaana dawladu ku jirto in kitaabkan lagasoo ururiyo
daafaha wadanka jarmalkoo dhan .
wasiirka arimaha gudaha
dalkanThomas de Maiziere ayaa sheegaya in 100 dhalinyaro ahi wadankan
ka bexeen si ay ugu biiraan kooxda daacish ee ka dagaalanta suuriya iyo
ciraaq dhalinyaradan oo haleeshay ama akhriday kitaabkan sidda aadka u
qalafsan loo turjumay oo qaybiyeen kooxda la yidhaahdo diinta dhabta
ah "True Religion" group'' kooxdan hadda waxa laga mamnuucay inay ka
hawl gasho wadankan gabi ahaanba
kitaabka oo lagu guraayo karaatoon photo Dpa |
Elizabeth Schumacher
No comments:
Post a Comment